Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Maxamed Dheere oo Utaagan Godoomiyaha Gobolka Banaadir
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Sep 10 2008
Maxamed Dheere oo Utaagan Godoomiyaha Gobolka Banaadir
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 10 September 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)-  Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) ayaa sheegay marki ugu horeeysay tan iyo marki laga qaady xilkaasi mudo haatan laga joogo 12 saac inuu isu soo sharaxayo Doorashada Xilka Gudoomiyenimo ee Gobolka Banaadir. isagoona sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin Shuruudaha uu Madaxweynaha hor dhigay dadka isku soo sharaxaya Xilkaas.

 

Maxamed Dheere oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in doonayo in mar kale xilkaas uu qabto, wuxuuna xusay inuu taageersan yahay xil ka qaadistii lagu sameeyay, waxaase uu Madaxda Dowladda uga digay inay masuq maasuq ku kacaan isla markaana ka leexdaan wadada loo marayo habka doorashada ee Gobolka Banaadir.

 

Mar wax laga weydiiyay Maxamed Dheere sida isaga si gaar ah ugu taabaneyso qodob ka mid ah shuruudaha ee ku aadan dagaal ooganimo, ayuu ku jawaabay inuusan isagu ka mid noqon waligiisa dagaal ooganimo, isagoona ku faanay in waxa uu ka qabtay Gobolka Banaadir mudada sanadka iyo labada bilood aanay qaban cid ka tirsan Dowladda.

 

Sidoo kale Maxamed Dheere ayaa la weydiiyay sida ay suura gal u noqon karto in ay doortaan dadka Gobolka Banaadir, maadaama lagu eedeynayo inuu ku lug lahaa barakicinta dadka Magaalada oo intooda badan ka cararay guryahooda ayuu Maxamed Dheere taas gaashaanka ku dhiftay.

 

"Askar baa Madaafiicda tuureysa ee aniga ma ihi askari, dagaalna ma gelin, waxaan ahay kaliya Maamul Munishiibiyo, mas'uulna kama ihi dadka la barakiciyay, waayo dagaalada socda iyo Madaafiicda la ridayay ayaa dadkaas barakiciyay"ayuu yiri Maxamed Dheere oo iska fogeyay haba yaraatee dambi dagaal ama barakicin dadweyne oo uu geystay.

 

Maxamed Dheere waxaa uu si cad u sheegay in dadka barakacay ay ka barakeeb Ciidamada Itoobitya iyo kuwa Dowladda, waxaana uu tibaaxay inuusan isaga laheyn awooda intaa la eg oo uu ku barakicin karo dadweynaha, waxaana uu sheegay in barakaca dadka ay ka dambeysa markii uu Baarlamaanka ansixiyay in Ciidamo Itoobiya dalka soo galaan, kuwaas oo uu sheegay in dagaalo ku soo qaadaan Kooxaha Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay.

 

Maxamed Dheere oo muddo shan sano Madax ka ahaa Magaalada Jowhar ayaa kala dambeyn iyo amaan ku soo celiyay Magaaladaas, inkastoo lagu eedeynayo in dhibaatooyin uu u geystay shacabka Magaalada, taasi oo aheyd xukunka kaliye talisnimo oo uu ku hayay gobolka shabeelaha Dhexe, hase ahaatee amaankii uu ku soo dabaalay Gobolka oo dhan, waxaa uu kaga mid noqday shirkii Dalka Kenya lagu qabtay laguna soo unkay Dowlad Federaal ah.

 

Maxamed Dheere ayaa shalay laga qaaday xilkii gudoomiyaha Gobolka Banaadir,kadib wareegto kasoobaxaday xafiiska Madaxweeynaha taasoo lagu kala diray maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamed Dheere.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >